tanaad logo
Google
|   Home    |   Contact   |   
Copyright 2007   Tanaad Online
Maamul goboleedka puntland oo qorsheynaya
inay ciidamo Itoobiyaan ahi yimaadaan maamul
goboleedka puntland

Waxaa baryahan soo baxayay tuhun ku saabsan in ciidan Itoobiyaan ah
la keenayo maamul goboleedka puntland, wuxuuna tuhunkaasi sii
xoogaystay ka dib markii ay saraakiil ka socota Itoobiya yimaadeen
Garoowe, kuwaasoo u kuur galayay xaaladaha ka jira puntland, gaar
ahaan dhinaca amaanka.

Mid ka mid ah dadka ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland, oo diiday in
la magacaabo ayaa Dhahar.com uga waramay waxa ka jira wararkaas
laysla dhexmarayo "haa wuu jiraa warkaas waana wax laga tiiraanyoodo
iyadoo la ogyahay waxa ka socda Muqdisho in maanta la hindiso
arinkaas"

Arintan ayaa waxaa mar marsiinyo looga dhigayaa dhinaca
nabadgelyada, laakiin waxaa lays waydiinayaa ma nabad gelyo ayay soo
kordhin karaan Itoobiyaanku.

Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ay u
imaanayaan inay inay ilaaliyaan shirkadaha puntland heshiiska kula soo
gashay inay soo saaraan khayraatka puntland arintaasoo muran xoog
leh ka dhexdhalisay maamul gobleedka puntland iyo dowlada FKMG ah.