Jowhar oo DF ka lagala wareegay gacan ku haynteeda
|
|
Ciidamo daacad u ah Midowga Maxaakimta Islaamka oo
saaka awood kula wareegay magaalada Jowhar ee
xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa isaga baxay halkaasi
iyadoona ay ballan qaadeen in gobolkaasi ay gabi
ahaanba la wareegi doonaan.
Ciidamadaasi oo dagaal adag saaka ku galay magaalada
Jowhar ayaa ugu danbeyn wiiqay awooda ciidamadii
maamulka iyadoona tasi ay dhabaha u xaartay in
magaalada ay la wareegaan.
Dad badan oo ka argagaxsan dagaalada ayaa isku soo
baxay waxana dhac baahsan lagula kacay xarumihii
maamulka waxaana xabsiga laga sii daayay maxaabiis
aad u fara badan.
Ciidamada maamulka gobolka Sh/Dhexe oo lagu soo xoojiyay kuwa kale ayaa dib usoo galay magaalada Jowhar
waxana ay isla markiba halkaasi ka galeen dhufeyso xoogan oo ay ku difaacayaan magaalada Jowhar.