tanaad logo
Google
Axmad Nuur Jaangow oo Muqdisho ku
geeriyooday
Waxaa saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho marxuum Axmed Nuur
Jaangow oo ka tirsanaa Fannaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed.

Marxuumka oo aan horay u qabin wax xanuun ah ayaa saaka waaberigii
isagoo gurigiisa jooga waxaa looga soo booday Wadnaha, kadibna waxaa
loola cararay Isbitaalka Madiina oo uu ku geeriyooday.

Majaajiliistaha weyn Cabdulle Cabdi Maxamuud (Oday Cabdulle) ayaa
xaqiijiyay geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in ay haatan ku howlan
yihiin sidii marxuumka loo aasi lahaa, isagoo sheegay in lagu aasi doono
Qabuuro aan ka dheereyn Isbitaalka Madiina.

Marxuum Axmed Nuur Jaangow ayaa wuxuu ahaa Fannaan Heesaha
Laxanka saara, mararka qaarkoodna Heesa, wuxuuna ka mid ahaa
Fannaaniinta aan dalka dibadda uga bixin tan iyo wixii ka dambeeyay
markii ay burburtay Dowladdii hore.

Marxuum Axmed Nuur Jaangow wixii ka horeeyay burburkii dalka ka
dhacay waxaa uu ka tirsanaa Kooxdii Horseed ee Ciidanka Soomaaliyeed,
taasi oo hees badan oo ay Fannaaniinteeda qaadeen uu Laxan u
sameeyay, sidoo kalena marxuumka waxaa uu  la shaqeyn jiray Kooxdii
Hobollada Qaranka ee Waaberi.

Marxuumka wuxuu waayadan dambe ka tirsanaa Koox lagu magacaabo
Horyaal Band, taasi oo ay ka wada tirsanaayeen Fannaaniin aan iyana
dalka ka bixin, kuwaasi oo ka soo muuqan jiray marar kooban bandhig
faneendyo loogu talagalay munaasabado gaar ah oo ay sameystaan Hay’
ado iyo Ururro Bulsho oo fadhigoodu yahay  Magaalada Muqdisho
Axmad Nuur Jaangow oo Muqdisho ku geeriyooday