Maamul goboleedka Puntland oo xukuumada ka dalbadey in la hergeliyo maamul goboleedyo Cusub
|
|
Maamul goboledka Puntland ayaa xukuumada federaalka kmg-
ka Soomaaliyeed ka codsadey dhismaha maamul goboleedyo
hor leh oo uu dalka yeesho.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Max’uud ayaa
shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Garoowe ee xarunta
Maamulka Goboleedka Puntland wuxuu kaga dalbatey dawlada
KMG ah dhismaha maamul goboleedyo la mid ah Puntland si
buu yiri loo hirgaliyo nidaamka is maamul goboleedyada ee
Federaaliga.
Hadalkan ayuu jeediyey madaxweyne ku xigeenka isagoo si
xoogan uga hor yimid war ka soo baxay maamulka Somaliland
oo ku aadan in qaar ka mid ah Gobolada Puntland Somaliland u
magacowdey gobolo hor, wuxuuna ku tilmaamay taasi inay tahay
riyo.
Waxaa jira qorshe ay dowlada federaalka ugu talo gashay in
maamulada habka federaalka ku shaqeynaya ay si siman u
hergelaan, iyada oo Puntland ay dooneyso in mamaulkooda oo
dhisan uu ka sii shaqeeyo arrimaha Kheyraadka iyo waxyaabo
kale.


Xaflad taageero oo Galabta ka dhacday
Columbus Ohio Oo lagu taageerayo Dr.
Saleebaan Ciise
Iyadoo beryahanba ay dhacayeen xaflado kala duwan oo lagu
taageerayo musharaxa da'da yar ee Dr Suleyman Isse
Ahmedkar ayaa waxaa galabta lagu qabtay magaalada
Columbus Ohio, xaflad lagu taageerayo laguna sii sagootinayo
isagoo u sii kicitimaya Dalka UK oo kula kulmi doono jaaliyadda
reer Puntland.
Xafladdan oo ahayd mid aad loo xiisaynayey maadaama uu
musharaxu deggenyahay Magaalada Columbus uuna utaagan
yahay xilka Madaxweynanimada Puntland ayaa waxaa ka soo
qayb galay dadweyne aad u fara badan oo isugu jira Culimaau
diin,Aqoonyahan,Siyaasiyiin,Saraakiil sare sare iyo dhamaanba
jaaliyadda Soomaalida ee Reer Ohio.
Waxaa goobta ka hadlay Masuuliyiin sar
sare,Odayaal,Aqoonyahano,iyo dhamaan qaybaha kala duwan
ee bulshadu iyagoo gabi ahaanba soo dhaweeyey taageerayna
musharax Saleebaan,hadaladooduna ay ahaayeen Taageero
iyo talo bixin.
Waxaa xusid mudan xubno ka socda jaaliyadda soomalida oo
ka dhawaajiyey waxqabadka iyo waxtarka uu ka gaystay
jaaliyadda soomaalida ee reer Ohio, iyadoo sidoo kalena ay
xuseen waxqabadka uu Dalkii ka sameeyey.
Waxaa halkaaska hadlay masuuliyiin sar sare oo uu ka mid
ahaa Gen.Maxamed Cali Shire oo ka mid ahaa golohii sare ee
Kacaanka isagoo taabtay in loo baahan yahay in la helo
dhalinyaro baddasha siyaasiyiinta ama saraakiisha noociisa oo
kale ah,wuxuu kaloo jananku aad uga hadlay umadda reer
puntland inay u baahan yihiin Masuul hal meel uwada jeediya
shacabka,isagoo si buuxda u taageeray una duceeyey
musharaxa.
Sidoo kale waxaa iyana halkaas ka hadlay Odayaal ku
hadlayey magaca beelaha reer Puntland iyo Marti sharaf kale oo
soomaaliyeed. Hobolada caanka ah ee soomaliyeed Sado Ali
Warsame ayaa iyana goobta ka qaaday heeso waddaniya oo
aad uga qiiraysiiyey ka qaybgalayaashii xafladda iyadoo ku
darsatay hadal kuna magacowday musharaxnimada Dr
Suleyman mid gurmad ah,oo uu ugu gurmanayo dalkiisa si uu
wax uga qabto dhibaatooyinka soo wajahay ummadda
soomaliyeed ee reer puntland.
Talooyinka iyo taageeridda ka dib waxaa halkaas ka hadlay
musharaxa Dr.Saleebaan Isse oo aad ugu dheeraaday
qudbadiisa isagoo ugu horayntii ka hadlay sababta ku kaliftay
inuu xiligan isu taago xilka madaxweynanimada puntland inay
tahay duruufaha adag ee soo wajahay Maamul goboleedka
Puntland,iyo isagoo faah faahin ka bixiyey waxa uu ugu
horaysiinayo marka uu ku guulaysto musharaxu jagada
madaxweynanimada,sida Amaanka
Gobolka,Caafimaadka,Dhaqaalaha,Dayac tirka
waddooyinka,siyaasadda iyo arrimo kale oo badan.
waxaa kaloo uu sheegay mar uu ka hadlayey arinta laascaanood
in laas caanood aan laga qabsan beel gaara ee laga qabsaday
Maamulka puntland,isagoo dusha uga tuuray dayaacadda
deegaanka maqan maamulka puntland oo ku guul daraysta
kaalintii kaga beegnayd difaaca dalka.
MUSHARAXA OO FARRIIN ADAG U DIRAY maamulka Hargeysa.
Dr suleymaan oo shucuur tiisu aad u kac sanayd ayaa waxaa
uu farriin adag u diray maamulka Hargeysa isagoo sheegay in
aanay xoog iyo awood ku qabsan deegaanka puntland ee ay
haystaan, ee ay ka faa ii daysteen tafaraaruqa ku dhexjira
bulshada reer puntland,isagoo shegay inaanay marna suurta gal
ahayn inay sii haystaan deeganka ay sida khaldan ku soo
galeen,una diray fariin ah inay shuruud la aan kaga
baxaan,isagoo caddeeyey in aan la sii haysan doonin dhulkaas.
Halkaan Daawo