Odayaasha Dhaqanka Hawiye & PM Nur Cade oo kulan albaabada u xiran ku dhex maray Airport ka Xamar
|
|
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa uu kulan ku dhexmaray
ra'iisal wasaarah DKMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cadde) iyo xubno odayaal ah oo ka tirsan Golaha dhaqanka iyo
midnimada beelaha Hawiye, waxaana kulanka oo ka dhacay
dugsigii hore ee Xalane la isku soo qaaday arrimo ku saabsan
hindisaha dib u heshiisiinta ee dhawaan uu soo jeediyey ra'iisal
wasaare Nuur Cadde.
Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen ra'iisal wasaaraha iyo
guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye
kulanka kadib ayaa ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay
ra'iisal wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde),
kaasoo u sheegay saxaafadda in ay isla soo qaadeen isaga iyo
xubnaha hoggaamiye dhaqameedyada istaraatiijiyada dib u
heshiisiinta ee xukuumadda ay qaadeyso, wuxuuna intaasi ku
daray in ay odayaasha beelaha Hawiye u gudniyeen Documenti
qoraya howsha dib u heshiisiinta, wuxuuna Mr Nuur Cadde raja
badan ka bixiyey in waxyaabihii kulanka lagu gorfeeyey la isku
afgartay oo la is fahmay.
Sidoo kale waxaa wariyayasha hadal kooban siiyey guddoomiyaha
Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan
Xaad oo isna tibaaxay in ra'iisal wasaaraha ay ka gadoomeen
qoraal buuxa oo la xiriiro howsha dib u heshiisiinta ee
qorshaheeda la wado:-''Waxaan ra'iisal wasaaraha ka helnay
qoraal documenti ah oo ku saabsan istiraatiijiyada dib u
heshiisiinta, waxaana u sheegnay in aan anaga dib isugu soo
laabaneyno oo aan ka soo tashan doona qoraalka waxyaabaha uu
ku qoran, waana soo gudbin doonaan dhawaan jawaabtiisa
hadduu Alle idmo'', ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo ah
guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye oo isna dhinaciisa
muujiyey in uu jiro isu soo dhawaasha iyaga iyo ra'iisal wasaaraha
dowladda federaalka ah.
Waa tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca dib u heshiisiinta u qado
xukuumadda ra'iisal wasaaraha Somalia Nuur Cadde uu u qado dib
u heshiisiinta tan iyo markii uu barnaamijka ammuurtan la xiriira ka
dhawaajiyey toddobaadyo ka hor, waxaana dhanka kale wali riman
oo meesheeda taala wadahadal dhexmara xukuumadda iyo
mucaaradka qaarkood dagaalada ay kala soo horjeedaan
ciidamada dowladda oo ay caawinayaan kuwa Ethiopia-ka ah.

