tanaad logo
Google
Kooxaha ka soo horjeeda DFKM oo weerar ku qaaday
Saldhiga Degmada Hodan
waxaa saaka weerarar lagu qaaday ciidamada DFKM ee ku sugnaa Degmada Hodan
waxaana dagaalka uga dhintay inta la ogyahay ilaa 2 askari tiro kale wey ku dhaawacmeen.


Dagaalkaan ayaa waxa uu bilaawdey saaka kadib markii kooxo hubeysani weerar ku
qaadeen ciidamada DFKM  ee fariisinka ku lahaa saldhiga degmada Hodan iyo qeybo ka
mid ah degmadaasi.

Dad goobjooyaal ah ayaa sheegay in labo ka mid ah ciidamada dowladda la dilay iyadoo
khasaare la sheegay inuu soo gaaray kooxaha weerar soo qaaday inkastoo aan la
sheegin inta uu la egyahay.

Dagaalkan ayaa waxaa uu aad xoogiisa uga dhacay agagaarka Tarabuunka, saldhiga
Hodan iyo xaafada Afrikaan Village oo ka wada tirsan degmada Hodan waxana la
maqlayaa rasaas xoogan oo ay isku ridayaan labada dhinac .

Ilaa haatan lama xaqiijinkaro  khasaaraha  kala gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ah
ee lagu kor dagaalamayo waxaana kacsan jawiga degmada Hodan.

Warar aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxaha ka soo horjeeda DFKM ay qabsadeen
Saldhiga Hodan waloo uusan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya arinkaas.
Somali lagu toogtay xalay Oslo, Norway

Wiil Somali ah oo dhalinyaro ahaa ayaa xalay waxaa lagu toogtay laguna dilay
caasimadda dalka Norway ee Oslo gaar ahaan xaafadda loo yaqaan Grünerløkka.

Wiilkan la dilay xalay ayaa waxa ay bolisku rumeysan yihiin in ey ka danbeeyeen dilkiisa
wiilal kale oo Somali ah kuwaasoo mid ka mid ah uu saakay abaarihii 7:48 mirir uu boliska
isku soo dhiibay kadib baadi goob lagu hayay ilaa xalay oo dhan.

Labaatan jirkan isu soo dhiibay boliska ayaa la sheegay in uu qirtay in uu wax ka ogyahay
dilka Somaligan kale, waxa uuna sheegay in uu goobta falku ka dhacay uu joogay markii
la dilayay wiilkan Somaliga ah.

Nin kale oo isna la rumeysan yahay inuu Somali yahay ayaa waxaa ku daba jooga boliska
dalkan, waxaana ey boolisku sheegeen in kan la dilay iyo kuwa wax dilayba ey Somali
yihiin.

Wiilka la dilay ayaa la sheegay in lix xabadood lagu tuuray walow aanan ilaa iyo iminka la
xaqiijin in ey dhamaan xabadahaasi kuwada dheceen wiilkan la dilay.

Kadib rasaasta ayaa waxaa goobta soo gaaray gar-gaarka degdegga ah (Ambalas) iyo
booliska kuwaasoo goobta ka helay wiilkan Somaliga ah kadib markii cusbitalka loo
qaadayna uu geeriyooday, sida ey sheegeen dhakhaatiirta iyo boliskuba.

Dilalka ceynkan ah ee ey ku le`daan dhalinta Somalida ee qurbaha jooga ayaa waxa ey
ku badan yihiin dalalka Egriiska, Mareykanka, Canada iyo wadamo kalo halkaasoo ey
koox-koox (Gangs) isu ugaarsadaan ama mararka qaar ey isku qabsadaan walxaha
maanka dooriya sida daroogada, qaadka iyo wixii la mid ah.