tanaad logo
Google
Cidamada Xabashida oo gaaray Marka
Kolanyo gaadiid ah oo nooca gaashaaman ah, kuwaas
oo ay wataan ciidamada Ethiopia ayaa saaka gaaray
mgaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, waxaana
la sheegay in ciidaman ay ka soo kicitimeen magaalada
caasimadda ah ee Muqdisho.

Markii ay gaareen magaalada Marka ayaa waxaa ay
islamarkiiba kulan la yeesheen mas’uuliyiinta maamulka
Sh/hoose iyo waxgaradka deegaanka oo ay kala
hadleen ujeedada imaanshiheeda Marka waxa uu la
xiriiro, waxaana ka warbixiyey waxyaabihii ay Ethiopian-
ka kala hadleen maamulka guddoomiyaha maamulka
gobolka Sh/hoose C/qaadir  Sheekh Maxamed Nuur oo
sheegay in saraakiisha ciidamada Ethiopia ay u
sheegeen in gobolka ay rabaan in ay sii joogaan muddo,
islamarkaana ay ka codsadeen in la siiyo xero ay
gudaha magaalada ka degaan.


Wuxuu intaasi ku daray in Ethiopian-ka ay u gudbiyeen
in aysan heyn meel ay ka degaan gudaha degmada
Marka, markii go’aankii ay ula tageena ay degeen
duleedka magaaladaasi, halkaas oo ay iminkaba ku
sugan yihiin, C/qaadir Sheekh Nuur oo la su’aalay
dhibaatada ammaan xumo  ee Sh/hoose ku soo kordhi
karto maadaamaa Ethiopian-ka soo galeen ayaa
sheegay in nabadgelyada aysan waxba u dhimi doonin
oo ay sideeda sii ahaan doonto.


Wararkii u danbeeyey ee gobolkaasi Sh/hoose iga soo
gaarayo ayaa ku waramaya in ciidamo Ethiopian ah oo
wato 10 gaari oo kuwa dagaalka ah ay duhurnimadii
maanta gaareen degmada Qoryoolay ee isla gobolka,
ciidankan ayaa ka soo ambabaxay degmada Diinsoor ee
gobolka Bay, halkaasoo muddo ka badan labo
toddobaad ku sugnaayeen, lama sheegin sababta ka
danbeysa tagitaankooda degmaasi iyo in ay ku
biirayaan ciidamada fariisinka ka sameystay duleedka
magaalada Marka.