tanaad logo
Google
Ciidamo u gaar ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa Ugu
weyn koonfurta Somalia ayaa maanta howl gal bilaabey, xilli maalmihii la soo
dhaafey rabshado xoogan ay saameeyeen suuqaasi.

ciidamadan oo gashan darees
iyaga u gaar ah ayaa lagu
arkayay wadooyinka soo gala
suuqa Bakaaraha ee
magaalada Muqdisho, ayaga
oo amaanka sugaya, isla mar
ahaantaasina si teel teel ah u
socda wadooyinka iyo gudaha
suuqaba.

Ciidamadii dowlada federaalka
ee ku sugnaa Isgoyska Howl
wadaag ayaa halkaasi isaga
baxay, iyada oo saakay
halkaasi ay dib uga bilowdeen
socodkii dadka iyo kan gaadiidkaba.


Ciidamadan gaarka ah ee suuqa uu yeelanayo ayaa ka dhashay kadib markii
dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed oo sheegaya in ay baacsanayaan
kooxaha ka horjeeda oo gudaha suuqa dilal ka geysanayay ay bateen.

Waxaan la sii saadaalin karin waxa ay qaban karaan ciidamadan u gaarka ah suuqa
bakaaraha, iyada oo ay suuro gal tahay in dhinacyada iska horjeeda ay suuqa Soo
galaan ama falal dilal ah ay ka fuliyaan.
Sheekh Aadan Madoobe:‘Wax gunooyin ah ma lahan
xildhibaanada ka maqan kulamada
’’
Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur
(Madoobe) kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay in
aysan wax gunooyin ah yeelan doonin mudanayaasha aanan ka soo qeybgalin
kalfadhiyada ay caadiyan yeeshaan Golaha baarlamaanka KMG ah.



Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay xaaraan tahay in qaar kamid
xildhibaanada ay ka maqnaadaan cudur daar la’aan kulamada ay yeeshaan
baarlamaanka, islamarkaana aanan wax gunooyin ah la siin doonin mudanihii
baarlamaan ee soo xaadiri waayo kalfadhiyada, wuxuuna ku goodiyey in arrintan la
dhaqan galin doona laga bilaaba maantana aysan wax gunooyin ah heli doonin
xildhibaanada iska maqan.



Guddoomiyaha baarlamaanka oo furayey kulan laba maalmood baarlamaanka u
socon doona ayaa hoosta ka xariiqay in qabsoomid la’aanta kalfadhiyada
baarlamaanka ay ugu wacan tahay iyadoo aanan marnaba si buuxda loo helin
Kooramka baarlamaanka uu ku shiro, wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada maqan in
ay ka soo qeybgalaan shirarka baarlamaanka, haddii kale ay dhaqaalahooda ku
seegi doonaan.



Waa hadalkii ugu horeeyey ee ka soo yeera guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh
Aadan Maxamed Nuur (Madoobe0, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli waayadan
danbe la dareemayey habacsanaan ballaaran oo ku timid kulamada ay yeeshaan
baarlamaanka.