tanaad logo
Google
Copyright 2008   Tanaad Online
  Madaxweyne Yuusuf oo dalka dib ugu soo noqday


Madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Col: C/laahi Yuusuf
Axmed iyo wafdi la socdey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socdey ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha ee
Aaden Cadde, magaalada Muqdisho.

Ciidamo aad u faro badan oo kuwa dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ah
ayaa xiray saakay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada,
ayaga oo hakad geliyay socodka dadweynaha iyo gaadiidkaba.

Marka ay dhacdo in wafdi ka tirsan dowlada federaalka ay dalka ka dhoofaan ama
ay soo degaan waxaa hakad uu ku yimaadaa ganacsiga meelaha xiriirka la leh
wadada lagu socdaalayo ee garoonka iyo magaalada inteeda kale isku xirta, taasi
oo dadweyne faro badan ay aad uga cawdeen.