tanaad logo
Google
Aftahan
Agabso.com
Allpuntland
Allgedo
Allwadani
Allsomali
Awdalnews
Aayaha
Barsame
Bartamaha        
VOA
Dhahar   
Dayniile
GedoNet   
Golkhatumo
Garooweonline
Hiiraan
HilinkaToosan
HornAfrik Online  
Kismaayonews
Midgaan.com
Midnimo
Mudug Online
Nogob
Ogaden H rights
Onkod
Puntlandpost
Qorahay
Raxanreeb  
SomaliBantu
Somalitalk  
Somalipen.org
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
Somali Links
Prayer schedule
Aflax.net
Al Taqwa
Boqol Soon  
Duruus
Imaams.com
Muslim Kids  
Somali Sunah  
Islamic Sites
Newspapers
Al Hayat
Al Jazeera
Al Sharq Al Awsat
BBC
Columbus Dispatch
East African Stand
The Guardian
Time
Library of Congres
New York Times
Newsweek
Sudan Tribune  
Washington Post
Ergeyga QM u qaabilsa Soomaaliya oo coday ...
Ergayga Gaarka ee Xogahayaha Guud ee QM ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia, Axmedu
Walad Cabdalla, ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM inay Ciiddamo Caalami ah u soo
diraan dalka Somalia, xilli ay xubno ka tirsan Golahaasi ka biyo-diidsan yihiin arrintaasi.

Axmedu Walad Cabdalla, ayaa hadalkaasi xalay ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha
Ammaanka ee QM kaga hadlayeen Warbixintii uu Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kii Moon ka
diyaariyey Xaalladaha ka aloosan dalka Somalia.

Axmedu Walad Cabdalla, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Ciiddamo Calaami ah oo isku
dhaf oo tiradoodu dhan tahay 28,500-Askari loogu soo dirayo dalka Somalia, wuxuuna
daadgureynta Ciiddamadaasi asaas uga dhigay in marka hore ay Ummadda Soomaaliyeed
wada heshiiyaan.

Dhinaca kale, Ergayga oo saakayto lagu wareystay Barnaamijka Network Afrika ee Idaacadda
BBC-London, ayaa sheegay haddii ay Soomaalida heshiiyaan inay QM ciiddamo Nabad-ilaalin
ah u soo dirayso dalka Somalia.

“Ma doonayo in Nabadda Somalia lagu xiro joogitaanka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta QM ee
gudaha dalka Somalia, laakiin waxaa loo baahan yahay inay Soomaalida naftooda qaataan
Xalka dalka Somalia” ayuu yiri Axmedu Walad Axmedu.

Ergayga Gaarka ee Xogahayaha Guud ee QM ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia, Axmedu
Walad Cabdalla, waxa kaloo soo dhaweeyey tallaabadda Wada-xaajoodka ee ay DFKMGS ku
dhaqaaqday, wuuuna xusay inay Kooaha Mucaaradka iyo xubnaha Ururradda Bulshadda
Raytidka diyaar u yihiin inay wada kulmaan.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay in Tallaabadda koowaad ee uu qaadayo
inay tahay sidii uu u taabagelin lahaa Kulan noocaasi ah, si ay Soomaalida dhexoooda uga
heshiiyaan.

Mar wax laga weydiyey inaysan QM wax mudnaan ah siinin Xaalladda dalka Somalia, waxa uu ku
dooday inay QM markii ugu horreysay arrimaha dalka Somalia haatan si rasmi ah diiradda loo
saaray, wuxuuna sheegay inaysan QM dan gaar ah ka lahayn dalka Somalia, mana jiraan ayuu
yiri:- Qoysas naga jooga Somalia.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamad Dheere oo eedeeyey ganacsatada suuqa
Bakaaraha
Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar xabeeb Maxamed
dheere ayaa ku eedeeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho inay
ka dambeeyeen dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyhu waxa uu sheegay in Al shabaab caalamku u aqoonsaday argagixiso islamarkaana
iyagu ay marag ka yihiin in arrintaasi xaqiiqo tahay waxana hadalada guddoomiyuhu ka
dambeeyeen dagaalo is xig xigay oo ka kala dhacay deegaanka suuqa xoolaha iyo suuqa
Bakaaraha kuwaas oo dad badani oo rayid ah ku dhinteen iyadoo khasaare uu kala gaaray
dhinacyadii dagaalku dhexmaray.

Sidoo kale waxa uu eedeyn kulul u soo jeediyaya guddoomiyaha gobolka Banadir ganacsatada
Magaalada Muqdisho.