Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Aftahan
Agabso.com
Allpuntland
Allgedo
Allwadani
Allsomali
Awdalnews
Aayaha
Barsame
Bartamaha        
VOA
Dhahar   
Dayniile
GedoNet   
Golkhatumo
Garooweonline
Hiiraan
HilinkaToosan
HornAfrik
Online  
Kismaayonews
Midgaan.com
Midnimo
Mudug Online
Nogob
Ogaden H
rights
Onkod
Puntlandpost
Qorahay
Raxanreeb  
SomaliBantu
Somalitalk  
Somalipen.org
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
Islamic Sites
Somali Links
Prayer schedule
Aflax.net
Al Taqwa
Boqol Soon  
Duruus
Imaams.com
Muslim Kids  
Somali Sunah  
Newspapers
Al Hayat
Al Jazeera
Al Sharq Al
Awsat
BBC
Columbus
Dispatch
East African
Stand
The Guardian
Time
Library of
Congres
New York
Times
Newsweek
Sudan Tribune  
Washington
Post
tanaad logo
Google
Copyright 2007   Tanaad Online
Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tagtay Magaalada Muqdisho
isla markaana ku sii jeeday dhinaca Degmada Afgooye ayaa mar ay
marayeen Deegaanka Lafoole waxaa lagu qaaday Weerar loo
adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.

Dad ku sugan Deegaanka Lafoole ayaa waxay sheegeen in markii
Ciidamada Itoobiyaanka qaraxa loo geystay ay muddo 20
daqiiqadood ah rasaas u ridayeen dhinac kasta, kadibna ay
safarkoodii sii wateen.

Meesha uu qaraxa ku qabsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa
saaka lagu arkay Dhiig iyo burburka qaar ka mid ah Gaadiidkii ay
wateen ee ay Miinada waxyeeleysay.

Sidoo kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo socod ku marayay Wadada
isku Xirta Isgoysyada Fagax iyo Ex Koontarool Balcad ayaa xalay mar
ay socdeen agagaarka Hotel Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid
waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan, waxaana halkaas ka
dhacay dagaal xooggan.

Dagaalkaas oo la isugu adeegsaday hubka culus iyo midka fudud
ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo
soo gaaray Dad rayid ah oo guryahooda ku jiray markii uu dagaalka
dhacayay, kuwaasi oo xalay ay u ahayd markii ugu horeysay ee ay
dushooda ku dagaalamaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo
hubeysan oo ka soo horjeeda.

Ugu dambeyntiina, Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maanta
waxay tahay mid degan oo aaney wax iska hor-imaadyo ah ka jirin,
iyadoo maantana ay tahay maalin Jimco ah oo ay Dadka ka
nasanayaan Howlaha Todobaadka.
Kolonyo  ciidamadamada Xabashida oo qarax
lagula beegsaday