Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqasim Salaad Xasan oo saxaafada la hadlay
|
|
Madaxweynihii hore ee xukuumadii Carta Dr C/Qaasim Salaad Xasan aya maanta shir jaraa'id oo Muqdisho uu ku qabtay kuso bandhigay go'aanadiisii uu qarsan jiray kadib markii wax iska caabintu ay laba maalmood oo is xig xiga guulo ka gaartay dagaalo ka dhacaya Muqdisho.
Madaxweynihi hore waxaa uu cadeeyay in xalka Somaliya uu ku jiro kaliya dhowr arrimood hadii lagu dhaqaaqo kuwaasi oo u farta ku goday hadii aan la sameyneyn in aan Umadda lagu marin habaabin wada hadal iyo wax warbaahinta laga sheegay.
C/Qaasim wuxu sheegay dhibaatada ugu horeysa in ay tahay joogitaanka ciidanka Itoobiya ee Somaliya,oo uu adkeeyay in caqabad ay ku yihiin nabad waliba oo la gaari lahaa,hadii ay baxaana rajo wanaagsan ay dhaceyso.
Tallabadasi kadib wuxu sheegay in ay tahay in dhamaan maleeshiyaadka dawladda laga saaraa magaalada iyo xaafadaha lana fasaxaa dadku in ay si xor ah ugu soo laabtaan guryahoodii.
Waxaa kale oo uu sheegay in ay tahay Somalida oo xor ah in ay wada fariistaan isla markaana ay ka xaajoodaan qaabkii loo gaari lahaa nabad waarta oo ka dhalata dalka Somaliya,C/Qaasim waxaa garab fadhiyay kolki shirka jaraa'id uu qabanayay Odayaal ka tirsan beeshiisa ee Hawiye.
|
|
|
|