Mucaaradka oo xoog ku maquuniyey ciidanka itobiyanka kalana waregay xarada Maslax
|
|
Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay gudaha Xerada Maslaxa
kuwaasi oo ku faraxsan kadib markii dagaal qaraar looga saaray halkaasi
Ciidamadii Itoobiyaanka iyo kuwii dawladda Federaalka Somaliya.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidankooda haatan ay dhex joogan
gudaha Xerada maslaxa halkaasi oo dagaal adag maanta uu ka dhacay iyadoona
ay ciidamada Itoobiyaanka isugu soo gurteen dhanka Warshadda Baastada.
Dagaalka wali wuxuu ka soconayaa dhanka Ex-Control ilaa Isgoyska
Soos,halkaasi o ay ku sugan yihiin ciidamadii Itoobiyaanka ee laga soo riixay
Xerada Maslaxa mana la oga awooda xoogan ee sidasi kaga saartay xeradooda.
Dad dibad baxaya oo faraxsan ayaa haatan gaaray Xerada Maslaxa oo ay
arkayaan sida ay sheegeen dhiig badan oo daadsan gudaheeda.