Copyright 2008 Tanaad Online
|
Wafdi ka socda Midowga Reer Yurub oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kulamana la qaatay Odayaasha Hawiye.
|
|
Wafdi ballaaran oo ka socda Midowga Yurub ayaa maanta soo gaaray
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wafdigan oo ka soo degay Garoonka Diyaarada Muqdisho ayaa kulamo la
qaatay Odayaasha Hawiye iyo qaar ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka ee
Magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Kulanka dhex maray wafdigan iyo Odayaasha
Hawiye ayaa sheegaya in loogaga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo
qaabka loo wajahayo.
Sidoo kale Wafuudan ayaa soo bandhigay aragtiyo ku aadan shirka dib u
heshiisiinta ee uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.
Wafuudan ayaa waxay xog uruurin ku sameyn doonaan aragtida Kulamada ay
la qaadanayaan Dhinacyada kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in kulan albaabada u xiran uu u
socda Wafdiga reer Yurub iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, kaasoo loogaga
hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta.